Saacadihii u dambeeyay waxaa deegaano ku dhaw dhaw Buuraha Galgala ee gobolka Bari ku sii qul qulayay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kadib Go’aankii ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Ciidamadaan ayaa ah kuwo si aad ah loo tababaray oo ka tirsan kuwa daraawiishta Maamulka Puntland,kuwaas oo la sheegay in la arkayay iyagoo wata Gaadiidka dagaalka in ay ka kala imaanayaan Magaalooyinka uu ka kooban yahay Maamulk Puntland.
Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ay haatan gudaha u galeen qeyb ka mid ah Buuraha Galgala oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaabkii dhawan weerarka soo qaaday.
Puntland ayaa qorsheyneysa in ay jawaab ka bixiso weerarkii Ciidamada badan uga dhinteen ee Al-Shabaab maalin ka hor ku qaden deegaanka Af-Urur ee Gobolka bari.
Sawiro