(SAWIRO): Britain oo tababaraysa Ciiddamo Kenyan ah oo ku soo wajahan Somalia.

Tababarayaal ka socda Ciiddanka Cirka ee Boqortooyadda Britan ee Royal AIR Force (RAF) ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya u tababarayaan sida looga hortago qaraxyadda Miinooyinka IEDs ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya,

Shabakadda Wararka Ciiddamadda ee Forces.net ee dalka Britain ayaa qortay in Ciiddamo British oo ka socda Ciiddanka RAF ee fadhigoodu yahay magaalladda Honington ku sugan yihiin dalka Kenya, si ay u tababaraan Milliteriga dalkaasi ee dhawaan loo soo diri doono gudaha Somalia.

Ciiddanka Royal Air Force waxay bilaabeen inay Ciiddanka Kenya u tababaraan Teknoolajiyadda loo adeegsado Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ee IEDs, wuxuuna tababarkaasi ka socdaa Dugsiga Tababarka Ciiddanka Dhulka ee Kenya oo ku yaalla magaalladda Isiyoolo.

Taliska Ciiddanka Kenya ee KDF ayaa la sheegay inay horey uga codsadeen Britain taageero dhinaca Milliteriga, si Ciiddanka Kenya loogu tababaro sidii looga hortegi lahaa cabsida Miinooyinka ee ay kala kulmaan gudaha Somalia.

Ciiddanmka Kenya ee la tababaryo ayaa la sheegay inay koox ahaan u baran doonaan sida loogu shaqeeyo Qalabka lagu baaro Qaraxyadda iyo sida looga hortago marka ay la kulmaan waxa loogu yeeray weeraradda cadowga

Dhinaca kale, Duuliye Lieutenant Graeme Royston oo ah Madaxa Kooxda Tababarka siinay Ciiddanka Kenya ayaa sheegay in tirada ugu sarreysa ee Ciiddanka Kenya ee looga dilay Dagalka Alshabaab ay ku geeriyoodeen qraxyadda miinooyinka dhulka lagu aaso, gaar ahaan nooca IEDs, waa sida uu hadalka u yiri.Kooxda Tababarayaasha Ciiddanka Cirka ee Britain waxaa la sheegay inay dalka Kenya sii joogi doonaan ilaa bilowga bisha soo socota ee June.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media