(SAWIRO): Boliska Kenya oo la siiyey Gawaarida Gaashaamaan oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

30 Gawaarida Gaashaaman ee lagu daabulo Ciiddamadda ayaa waxaa xalay laga soo dejiyey Dekedda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, si loogu xoojiyo Ciiddanka Boliska ee had iyo jeer u nugul Weeraradda joogtadda ee ay Alshabaab kala kulmaan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa toddobaadkii hore sheegay in Boliska la siinayo Gaadiidka Dagaalka iyo helikoptaro, si ay uga hortagaan Weeraradda ay Alshabaab ka fuliyaan Deegaanadda W/bari Kenya ee ku teedsan Xuduudka Somalia.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Alshabaab naafeeyeen Qeybaha muhiimka ee Dhaqaalaha Kenya oo uu Dalxiisku ka mid yahay.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay inuu qorshuhu ku jiro in Ciiddanka Boliska loo keeno Gaadiidka u adkeysan kara Miinooyinka, si ay Ciiddanka uga badbaadaan Miinooyinka ay Alshabaab ugu aasaan Waddooyinka.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay Gaadiidka Gaashaaman ka taageeri doonaan inay socod ilaalo ah ku maraan dhulka Kaymaha ee Boni Forest, halkaasi oo la rumeysan yahay inay Alshabaab ka soo abaabulaan weeraradda ka dhanka ah Askarta Kenya.

Dhinaca kale, Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan 7 Sarkaal oo ka tirsanaa Boliska Kenya ayaa geeriyootay, 3 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay miino kula kacday duleedka Degmadda Laamu.

Armoured personnel carriers with Russian military plates move towards the Ukraine border KDF - APC©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor