Sawiro:-Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiisha iyo Bulshada Balad Xaawo

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kormeer ku maray deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa kulan la qaatay  Sarakiisha Ciidamada iyo Maamulka Magaalada Beledxaawo.

Kulanka inta uu socday ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa uu ku amaanay in ay iska difaaceen weerarkii ay dhawaan ku soo qaadeen Ciidamada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu Saraakiisha ciidamada ugu baaqay in ay iyga oo kaashanaya Shacabka Gobolka Gedo ay ammaanka ka Shaqeeyaan.

Axmed Madobe ayaa la filaaya in Saacadaha kale ee nasoo aadan uu booqdo deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media