SAWIRO : Ardey iyo Carruur Lagu Dilay Weerar Hoobiye (QISO XANUUN BADAN)

Manta waxa dhawr hoobiyo ku dhacday xafado ka mid ah degmada Hawlwadaag , waxaana ku geeriyooday dad lagu qiyaasay ilaa 5 qof oo caruur iyo ardey ku jiraan .

Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters oo lagu magacaabo Ismaacil Taxta ayaa facebookisa ku qoray sawir uu ka soo qaaday goobta hoobiyayaasha ay ku dhaceen waxaana uu u loray sidan.

Tani waa bugaagtii iyo agabkii ay siday gabar yar oo ku jirtay xiisada fasalka sadaxaad dugsiga hoose ee Usama Bin Zayd wax yar ka dib markii ay ku dhimatay hoobiye ku dhacay xaruntooda waxbarasho oo ku taal degmada Howlwadaag Mogadishu.

Gabadhan yar ee Taxte warbixinta ka qoray ayaa waxaa sidoo kale meesha ku dhaawacmay gabadho kale oo ay saaxibo ahaayeen oo class-ka la dhiganayey.

Hoobiyayaasha ayaa badanaba waxaa ay dilaan dad rayid ah iyadoo Shabaabka ay la beegsadaan xarumaha dawladda,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor