Sawiro: Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada oo loo magacaabay Haweeneey

Haweeneydii u horeysay ayaa loo magacaabay xilka Agaasime kuxigeenka Villa Somalia, iyadoo magacaabidan ay qeyb ka tahay is bedel cusub oo dhowaan lagu sameeyay Hoggaanka Guud ee Madaxtooyada.

Aamina Saciid oo horay u soo noqotay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasime kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada, iyadoo bedeshay Agaasime kuxigeenkii xilkan hayay muddo labo todobaad.

Ms Aamina oo aqoon u leh dhanka maamulka ayaa waxay kuxigeen u noqoneysa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo dhamaadkii bishii hore xilkan loo magacaabay, isagoo bedelay Abuukar Baalle.

Tan iyo Markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa waxaa bilaawday isbedel dhanka dadka xilalka ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo madaxtooyada ay soo martay dhowr Agaasime mudo Sadax Bil gudahood ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media