(SAWIR): Nin hooyadiisa Somali tahay (Muwalad) oo isku qarxiyey dalka Ciraaq.

Sawirka Nin Somali British ay Waalidkiisa yihiin Somali iyo Yemen (Muwalad) ayey Kooxda Daacish online ahaan u soo dhigeen Bartooda Internetka, kaasi oo Isniintii la soo dhaafay isku qarxiyey Gobalka Anbaar ee dalka Iraq.

Ninkaasi oo aabihiisa Yemeni yahay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Riswaan Awaan, inkastoo markii uu ku biiray Kooxda Daacish la magac baxay Abu Muusa Albiritaaniya.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsaday Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Iraaq.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray inuu Abu Muusa Albiritaaniya uu galaaftay nolosha ilaa 50 Askari oo ka tirsan Milliteriga dalka Iraq oo ku sugnaa duleedka magaalladda Ramaadi.

Ninkaasi oo ay iska dhaleen Hooyo Somali iyo Aabe Yemani ah  ayaa la sheegay inuusan marnaba ku noolaanin gudaha Somalia, isagoo Qaxootinimo isaga dhiibay dalka Britain.

Waa Muwaadinkii 3-aad ee  British ah ee ka tirsan Kooxda Daacish oo falal Isqarxin ah ka geysta Deegaanka ku teedsan magaalladda Ramaadi ee dalka Iraq.

Dhinaca kale, Wiil Somali-British lagu magacaabo Maxamed Cali oo 15 jir yaa isagana la shaaciyey inuu ku geeriyooday dalka Syria.

Wiilkaasi oo ku biiray Kooxda Daacish ayaa waxaa xogtiisa laga helay Dukumentiyo dhawaan lagu shaaciyey xubnaha shisheeyaha ee ka tirsan Kooxda Daacish.

Dukumentiyaddii qarsoodiga ee dhawaan lagu faahfaahiyey Dagaalyahannadda Shisheeyaha ee ku biira Daacish ayaa laga helay Faylka Wiilkaasi Maxamed Cali oo markii uu ku biiray Daacish waxa uu la magac baxay Abu Maalik Al-somali.

Faylka shaqsi ahaaneed ee Abu Maalik Al-somali waxaa laga dhex helay Faylasha Dagaalamayaasha Britishka ee ku biiray Daacish.

Dukumentiyadaasi oo ay shaacisay Hay’adda Wararka ee Zaman Alwasal oo ay leeyihiin Mucaaradka Syria ayaa lagu xusay inuu Abu Maalik Al-somali dhashay bishii October 27-dii ee sannadkii 1998-dii iyo inuu dalka Syria ka galay xuduudka Degmadda Tal Abyad bishii June 11-dii ee sannadkii 2014-kii.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor