(SAWIRKA AFDUUBAHA): Afduubaha oo la sheegay inuu yahay Muwaadin haysta dhalashadda Maraykanka

Wararka la xiriira Afduubka Diyaaradda Egypt Air ayaa isa soo tarayo, waxaana la sheegayaa inuu Afduubaha yahay Nin haysta Dhalashadda Maraykanka (US Citizenship).

Warbaahinta Maxaliga ee Jesiiradda Qubrus, gaar ahaan Telefishinka Greek Channel Skai ayaa sheegayo inuu Afduubaha codsaday in la siiyo magangelyo siyaasadeed.

Afduubaha ayaa la sheegay inuu yahay Professor cilmiga Caafimaadka Xoolaha ka dhiga Jaamacadda Elexandaria University ee dalka Masar.

Magaciisa ayaa lagu sheegay Ibrahim Samaha waxaana loo malaynayaa inuu u dhashay midkooda Masar ama Liibiya.

Tiradda Rakaabka la sii daayey oo lagu sheegay in ka badan 50 qof  oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Wararka qaarkood ayaa sheegayo in dadka la haysto ku jiraan kuwo u kala dhashay Maraykanka iyo Britain, balse weli si rasmi ah looma caddaynin.

Egyptian media says hijacker is a veterinarian doctor with US citizenship. In that case it would make little sense to demand asylum

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor