Waxaa Habeenkii Saddexaad ku hoyanaya Xabsi ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya Sawirqaade Caanka ah Barta Youtube-ka kaas oo Maalintii Khamiista aheyd ee la soo dhaafay ay ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya Xabsiga u taxaabeen.
Sawir qaadahaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Muqtaar Nuur,waxa uuna ku can baxay Barta Youtube-ka isaga oo soogelin jiray Muuqaalo Qurux badan oo ku saabsan muqdisho Goobaha loo dalxiistago sida Beerta-Nabadda iyo Xeebta liido.
Macada Sababta ka dambeysa Xarigiisa iyo waxyaabaha lagu eedeynayo,waxana la sheegay in Sawir qaade Muqtaar nuur uu u xiran yahay Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya.
Xariga Muqtaar Nuur ayaa soo baxay ama la ogaaday Maanta oo Sabti ah,iyada oo la sheegay in Khamiistii la soo dhaafay Xabsiga loo taxaabay,waxana jirin ilaa iyo hada cid ka hadashay xarigiisa.