(SAWIR): Dowladaha Somalia iyo Iraq oo iska kaashanayo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Madaxweynaha dalka Iraq, Fu’aad Macsuum ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Iraq, Khadiija Almaqsuum.

Kulankaasi kadib, War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Iraq ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Fu’aad Macsuum sheegay inuu muhiim yahay Xiriirka Somalia iyo Iraq, gaar ahaan Iskaashiga lagula dagaalamo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Wargeyska Baghdad Times oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray inuu Madaxweynaha Iraq ammaanay dadaalka ay muujisay Danjire Khadiija Almaqsuumi mudddadii ay xilka Danjirenimo ku joogtay Iraq.

Waxa uu u rajeeyey inay ku guuleysato Xilka soo socda ee loo magacaabi doono.

Xigasho: Baghdad Times

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor