Sauudiga oo ka codsatay Dowladda Federalka inay u isticmaalaan Hawada iyo Badda Somalia Hawlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan inay Madaxda Dowladda Federalka ka baaraan-degayaan Codsi uga yimid Dowladda Boqortooyadda Sacuudiga, oo ay ku doonayaan in loo fasaxo inay adeegsan karaan Hawada iyo Badda Somalia, si ay uga weeraraan farriisimadda ay  Dagaalyahannadda Xuutiyiinta kaga xooggan yihiin dalka Yemen, gaar ahaan Goballadda Koonfurta Yemen ee kaabiga ku haya Marin-biyoodka Baabul-Mandab ee Badda Cas.

Warar ku dhowdhow Xukuumadda Somalia ayaa u xaqiijiyey Dalsan Radio in la soo gaarsiiyey Codsiga Sacuudiga, balse aysan Madaxda Dowladda weli go’aan rasmi ah ka qaadanin Codsiga Dowladda Sacuudiga.

Warar Xog-ogaal ayaa sheegay inay Dowladda Federalka oggolaan doonaan si ay Isbahaysiga Sacuudiga u adeegsadaan Badda iyo Hawada Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Omar ayaa la filayaa inuu berrito  booqasho ku tago caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh, si uu Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga kala hadlo Qaddiyadda Hawlgalka Duullaanka oo ay Isbahaysiga Sacuudiga hoggaaminayo ku hayaan Dagaalyahannadda Xuutiyiinta Yemen.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Dowladda Federalka Somalia shaacisay inay Dowlada Sacuudiga ku taageerayaan Muranka Diplomaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowladda Sweden.

Go’aankaasi waxaa aad u xumaaday Soomaalida, gaar ahaan Qurbi-joogta ku sugan dalka Sweden.

Shabakadaha ay Buishadda ku xirliraan, sida Face-book  iyo Twitter-ka waxaa maalmahan la isku weydaarsanayey Saamaynta Go’aankaasi.