Sarkaalkii ka tirsanaa Safaaradda Shiinaha ee ku geeriyooday Is-qarxintii Alshabaab oo la aasay

Maydkii Sarkaalkaasi oo la oran jirey Zhang Nan ayaa lagu celiyey, laguna aasay magaalladda Jinan ee Bariga dalka Shiinaha.

Dad fara badan ayaa isugu yimid Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jinan, iyagoo muujinayey tiiraanyadooda.

Saraakiil ka tirsan Milliteriga iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha iyo Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Garoonka, markii Diyaaradda laga soo dejinayey naxashka uu ku jiray maydkiisa.

Sarkaalkaasi ayaa ku geeriyootay Is-qarxintii  ay Alshabaab toddobaadkii hore la beegsadeen Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho, oo ay ku geeriyoodeen 15-qof, kuna dhaawacmeen ilaa 20-kale.

Zhang Nan, 1 Zhang Nan, 2 Zhang Nan, 3 Zhang Nan, 4Xigasho: XINHUA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor