Sarkaal u dhashay Imaaraadka oo Xabsi ku muteystay isagoo sawirtay Baasaboorka Lionel Messi.

Maxkamadda magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadaka Carabta waxaa shalay la soo taagay Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ammaanka oo magaciisa lagu soo gaabiyey JM, kaasi oo Sawir Muuqaal ah ka duubtay Baasaboorka Ciyaaryahanka Lionel Andres Messi, mar uu bishii hore ee December 27-dii booqasho ku tegay Imaaraadka.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu  ka codsaday Ciyaaaryahan Lionel Andres Messi inuu isla sawiro, balse uu Ciyaaryahanka ku cudur-daartay inuu daalan yahay oo uu safar dheer soo galay.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu tegay Xafiiska Baasaboorada ee Garoonka Diyaaradaha, halkaasi oo uu ka helay Baasaboorkii Messi, oo uu Filim isaga qaaday isagoo Baasaboorka kor u hayo, kadibna waxa uu degdeg u geliyey barta uu ku leeyahay Aalladda Snapchat.

Video-ga uu iska duubay ayaa waxaa laga maqli karaa isagoo Sarkaalka ku qeylinayo:”Kan waa Messi, waxa uu joogaa halkan, Dubai. Maxaan sameeyaa? Ma Baasaboorka ayaan gubaa, mise dib baan u celiyaa? OK, Ok, waa bixi kartaa!!!”.

Boliska ayaa lagu wargeliyey Muuqaalkii Video-ga, iyadoo Sarkaalka magaciisa lagu soo koobay JM lagu soo dacweeyey inuu ku xadgudubay Xuquuqda Gaarka ee Lionel Andres Messi

Sarkaalka waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda, waxaana lagu xukumay xabsi 30-maalmood ah, kadib, markii uu Baraha Bulshadda, gaar ahaan Aalladda Snapchat soo dhigay isagoo walfinayo Baasaboorka Ciyaaryahankaasi.

Markii xukunka lagu dhawaaqay, waxa uu Sarkaalku codsaday in la cafiyo, isagoo sheegay inuusan Ra’yi ka haysanin qaabka uu Muquaalka Video-ga u baahay.

“Waan iska ciyaarayey, mana samaynin arrintan, waan ku qaldanaa, waxaana ballanqaadayaa inaanan mar kale ku laaban doonin Dabeecadahaasi oo kale” ayuu ku cataabay Sarkaalkaasi.

Ciyaaryahanka Reer Argentina ee Lionel Andres Messi oo u ciyaara Kooxda FC Barcelona waxa uu u tegay Dubai si loogu guddoonsiiyo Abaalmarinta Ciyaaryahanka Sannadka ee “The Globe Soccer Awards”.

messi3 messi4 messi2 messi1 uae court

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor