Sarkaal Somali-Maraykan ka goostay Dowladda Somalia oo sheegay inay Alshabaab ka saarayaan Sh/dhexe ilaa Bariga Xeebta Galgaduud.

Kolonel Maxamuud Koronto oo ahaan jirey Taliyihii Guutadda Koowaad ee Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia ee Gobalka Sh/dhexe ayaa ku eedeeyey Madaxtooyadda iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay dayaceen dagaalka lagula jiro Alshabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Sh/dhexe ilaa Deexda Bari ee Gobalka Galgaduud.

Sarkaalka oo la hadlayey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay Madaxtooyadda Somalia dayacday hawlaha lagula dagaalamayo Alshabaab, isla markaana uu musuqmaasaq ka dhex jiro Hoggaanka Sare ee Ciiddanka Dowladda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in la dayacay in lala dagaalamo Alshabaab ku sugan qeybo ka mid ah Sh/dhexe ilaa Bariga Galgaduud, iyadoo Ciiddankii u dhashay Deegaanadaasi loo jiheeyo dagaallo ka socda Deegaano kale.

“Maadaama Dowladda ku dhisan tahay 4.5, waa in Ciiddan kasta loo jiheeyaa Deegaanadda ay ka soo kala jeedaan, si aysan u imaanin Habacsanaan iyo Dayacaadda Deegaanadda” ayuu yiri Kolonel Maxamuud Koronto.

Waxa kale oo uu dhaliilay Hawlgalka AMISOM, oo uu xusay inay ka gaabiyeen sidii Alshabaab looga saari lahaa Sh/dhexe oo uu xusay inay muddo 7 sanno haysteen.

Dhinaca kale, Kolonel Koronto Waxa uu carrabka ku adkeeyey inay ka  go’an tahay inay Alshabaab ka saaraan Deegaanadda uu isagu hayb ahaan ka soo jeedo ee Gobalka Sh/dhexe ilaa Degmooyinka Ceel-dheer iyo Meseaga-waa’ ee Bariga Galgaduud, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ugu baaqay dadka ku abtirsada Deegaanadaas ee ku nool gudaha iyo dibedda inay taageero ka geystaan Hawlgalka Alshabaab looga saarayo Sh/dhexe iyo Bariga Galgaduud, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Kolonel Maxamuud Koronto oo ah Muwaadin Somali Maraykan waxa uu Kaalin Hormuudnimo iyo Naf-hurnimo ka geystay Hawlgalladda ay Milliteriga Somalia uga saareen Alshabaab Degmooyin badan oo ku yaalla Gobalka Sh/dhexe, wuxuuna weli ku guda-jiraa Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab ee ka socda Sh/dhexe ilaa Bariga Deexda Galgaduud.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor