Sarkaal Somali Kenyan caraysan oo Askar  ku dilay Galbeedka dalkaasi.

Weerarkii shalay ka dhacay Saldhigga Boliska ee Degmadda Kapenguria ee Kenya ayaa la sheegay inuu geystay Sarkaal Somali Kenyan ka tirsan Boliska dalkaasi.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jirey C/xakiim uu falkaasi u geystay Khilaaf kala dhexeeyey Taliyaha Saldhigga boliska ee  Degmadda Kapenguria, isla markaana uu codsaday in laga bedelo Saldhiga ama uu shaqda ka ruqseysan doono.

Wargeyska waxa uu qoray in ninkii shalay geystay weerarkaasi ahaa Askari ee uusan ahayn Nin ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay inuu Sarkaalka isagoo caraysan yimid Saldhigga, kadibna uu qori ka dafay Sarkaal kale, kadibna uu dilay  Taliyihii Saldhigga iyo 4 Askari oo ku sugnayd Saldhigga.

Warar kale ayaa sheegay in Sarkaalka C/xakiim Maslax doonayey inuu xoog ku sii daayo Macallim Madarasa oo ku xirnaa Xabsiga, kaasi oo loo haystay inuu dad u oqri jirey Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka South Rift, Wanyama Musiambo ayaa sheegay inay baarayaan shilkaasi, wuxuuna ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo in Sarkaal ka tirsanaa Boliska Kednya uu geystay Weerarkaasi.

Iska hor imaadkii shalay ka dhacay Galbeedka Kenya oo socday saacado badan waxaa lagu dilay ilaa 7 qof oo uu ku jiray Sarkaalkii weerarka geystay iyo Taliyihii Saldhigga la weeraray.

 ©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media