Sarkaal Shabaab ah oo Isku soo Dhiibay Dowladda (Akhriso Magaca)

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug.

Dawladda ayaa sarkaalka magaciisa ku sheegtay Bishaar Muumin Faarax.

Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa  xaqiijiyey isa soo dhiibista, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.

Jeneral Tereedishe ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay Al-Shabaab isa soo dhiibida Bishaar Faarax Muumin sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media