Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish.

Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah Taliyayaasha Alshabaab ee ku sugan Deegaannadda Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Mujaahidiinta Alshabaab ku dhawaaqeen inay ku biireen Dowladda Islaamiga ee Daacish.

Sheekh C/qaadir Muumin oo horey u deganaan jirey dalka Britain ayaa hadalkaasi ku sheegay Farriin Maqal oo Online ah uu soo dhigay Barta YouTube, wuxuuna xusay inay caddaynayaan inay daacad u yihiin Hoggaamiyaha Dowladda Islaamka ee Daacish, Sheekh Ibraahim Al-cawad Al-qureysi oo lagu naanayso Abu Bakar Al-baqdaadi.

Mid ka mid ah Taageerayaasha Sheekh C/qaadir Muumin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay  isaga iyo 20-daagalyahan oo uu horkacayo Sheekh C/qaadir Muumin ku biireen Kooxda Daacish.

Dagaalyahanadda uu horkacay Sheekh C/qaadir Muumin ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Buuraha Galgala ee Puntland..

Dhinaca kale, Ilo ku dhowdhow  Garabka Alshabaab ee la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish ayaa u sheegay Telefishinka CNN inay ku jiraan Marxaallad Adag iyo Xaallad Degdeg ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor