Sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda Al-Nusra oo lagu dilay Syria.

Abu Firas Alsuuri oo ahaa  Afhayeenka Jabhadda Nusra ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobalka Idlib ee W/galbeed Syria.

Hoggaamiyahaasi waxaa lala dilay Wiilkaasi iyo 20 dagaalyahanno shisheeye ahaa.

Kooxda u dooda Xuquuqda Aadanaha Syria ayaa sheegtay in ay Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya ama Syria geysteen duqeyntaasi, inkastoo warar kalena sheegayaan inay Droneska Maraykanka fuliyeen weerarkaasi.

Abu Firas Alsuuri waxa uu ahaan jirey Sarkaal ka tirsanaa Milliteriga Syria dabayaaqadii sannadihii 1970-aadkii, wuxuuna ka qeyb galay Dagaalkii Askartii Raashiya lagula galay Afganistan, wuxuuna ka mid noqday Gacan-yarayaashii Usaama Bin Laadin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor