Sarkaal Maraykan oo shaqada looga cayriyey isagoo cabsi geliyey Wiil Somali ah

Sarkaal caddaan ah oo ka tirsan Boliska magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa shaqadiisa ku waayey, kadib, markii lagu ogaaday baaritaan Muuqaal lagu qaaday Kaamerada Mobaylka oo laga duubay Sarkaalka isagoo ugu hanjabo Wiilka Soomaaliga inuu lugaha ka jebin doono.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Rod Webber ayaa Hadalkaasi hanjabaadda ee qeylada ah ku dhawaaqay, xilli ay Gaadiid badan mashquul ka dhigeen Waddada.

Dhibanaha Soomaaliga oo lagu magacaabo Xamsa Jeylaani oo 17 jir ah ayaa sheegay inuu Sarkaalka si kulul ugu hanjabay, uguna goodiyey inuu lugaha ka jebin doono ka hor inta aadan helin fursad ay ku baxsato.

Dhacdadan oo dhacday bishii Maarso ee sannadkii hore ayaa waxaa uu dareen xoog leh ka dhex abuuray Boliska iyo Soomaalida looga tirada badan yihiin magaalladda Minneapolis iyo guud ahaan dalka Maraykanka.

Muuqaalka Video-ga waxaa duubay wiil saaxiib la ah Dhibanaha Xamsa Jeylaani, waxaana laga maqlayey  Xamsa oo weydiinayo Sarkaalka sababaha uu isaga u xirayo, wuxuuna Sarkaalku ku jawaabay “Waayo waxaa dareemayaa sidii anigoo ku xirayo Adiga”.

Sarkaalka shaqada Boliska Minneapolis looga cayriyey Cabsi-gelinta Wiilka Soomaaliga ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii 7-aad ee laga cayriyo Boliska Minneapolis.

©Radio Dalsan                          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor