Sarkaal  la sheegay inuu Xubin muhiim u yahay Alshabaab oo lagu qabtay Xeradda Dhadhaab.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mahamuud Saalax ayaa sheegay in Eedeysanaha oo ah Kenyan ka soo jeeda Garissa uu yahay Sarkaal Sare oo ka tirsan oo in muddo ah ku lug lahaa Tahriinta Hubka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xiriiriyaha oo Suxufiyiinta shalay kula hadlay Garissa ayaa sheegay inay Koox Isku-dhaf ah oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Kenya ku raad-joogeen ninkaasi in muddo ah, ka hor inta aan la qabanin.

Waxa uu intaasi ku daray in Ninkaasi lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorsheynta dilal ka dhacay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna intaasi ku daray in Ninkaasi lagu qabtay Qori AK 47, 19 xabbo oo rasaas ah iyo Labo Wargeys nooca loo yaqaano Magazine.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mahamuud Saalax waxa uu sheegay inay Boliska ku raad joogaan labo qof oo la socotay Eedeysane, kuwaasi oo uu tilmaamay inad baxsadeen.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii uu Mahamuud Saalax u sheegay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Saraakiisha Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) inaysan Kenya awoodi karin inay marti-geliyaan Qaxootiga Soonaalida sababo la xiriira cabsi dhinaca Ammaanka.

Waxa uu ku baaqay Qorshe dib loogu celinayo Qaxootigaasi, iyadoo ay ku-dhawaad 350,000 oo Qaxooti Somali ah ku sugan yihiin Xeradda Qaxootiga Dhadhaab.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor