Sarkaal katirsan Qeybta Baarista ee Booliska oo lagu dilay Muqdisho

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Degmadda Yaaqshid, Ruuxa la dilay ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan Qeybta Baarista ee Booliska, Wuxuuna ka howlgali Jiray Xarunta Danbi Baarista ee CID-da.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi Jiray Xasan Dheere ayaa waxaa dhowr xabadood qeybta sare ee Jirka kala dhacay Dhalinyaro hubeysan oo ugu tagtay Meeshii uu ku sugnaa, Dilka kadib goobta oo aan ka fogeyn Xarunta Degmada Waxaa deg deg ugaaray Ciidamada amniga kuwaasoo sameeyay baaritaan aan la soo sheegin in wax dad ah lagu qabtay.

Majirto wali cid sheegatay dilka Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Booliska qeybtooda baarista, Shabaab ayaase looga bartay dilalka noocan ah, Meydka Marxuumka ayaa waxaa la geeyay Xarunta Danbi Baarista ee CID halkaas oo sawiran looga qaaday.

Si Kastaba, Muqdisho ayaa mudooyinkan waxaa ku yaraa dilalka ay geysanayaan dhalinyarada Bistooladaha la carara ee ka tirsan Shabaab, Waxaana Dowladda ay wadaan feejignaan dhanka amniga Caasimada ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media