Sarkaal kale oo loo xiray dilkii loo geystay Madaxweynihii dalka Haiti

Boliska dalkaasi waxay sheegeen in la xiray Sarkaal ka tirsan Boliska, kaasi oo lala xiriirinayo dilkii Madaxweynihii dalkaasi, Jovenel Moise.

Sarkaalka la xiray ayaana noqonaya kii 4-aad ee la xiro, tan iyo markii uu bilowday baaritaanka dilkaasi, sida ay sheegtay Afhayeenada Boliska Hayti, Mariya Misheel.

Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin doorkii uu Sarkaalkaasi ku lahaa weerarkii Madaxweynihii hore lagu khaarijiyey bishn July 7-dii.

Boliska Haiti waxay horey u aqoonsadeen 28 Eedeysane oo ku lugta lahaa Khaarijintaasi, iyadoo la qabtay 18 u dhalatay dalka Kolombiya, 5 u dhalatay Haiti iyo 3 Maraykan ah.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay xaqiijiyeen in 7 ka mid ah Eedeysanayaasha u dhashay Kolombiya ay Tababar Milliteri ku soo qaateen Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor