Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM oo ku geeriyooday miino ay Alshabaab u dhigeen oo la aasay

Gaashaanle Denis Okech Okello oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ayaa la sheegay in lagu aasay Deegaanka uu ka soo jeeday ee Boroboro Parish ee duleedka Degmadda Liiraa ee dalka Uganda.

Sarkaalkaasi ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo bishan June 17-dii lagula beegsaday Kolonyo uu hoggaaminayey oo marayey inta u dhexeysa Bali-doogle iyo Torotoorow ee Gobalka Sh/hoose.

Gaashaanle Geoffrey Kyomuhendo  oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM ayaa u sheegay dadkii ka soo qeyb galay  aaska Sarkaalkaasi inuu Gaashaanle Denis Okech Okello door libaax ka qaatay sidii Alshabaab looga qabsan lahaa Deegaanka Torotoorow.

 

Dhinaca kale, AMISOM ayaa sheegtay inuu Sarkaalkaasi ahaa mid waajibkiisa gutay, isla markaana had iyo jeer joogi jirey aagga hore ee dagaalka marka ay dhibaato jirto.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Saam Kanuma ayaa sheegay inay waayeen Sarkaal halyeey ah, balse ay ka tusaale qaadan doonaan waxqabadkiisa.
Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka geeriyooday ee Gaashaanle Denis Okech Okello oo  40-jir ahaa, waxa uu ka tegay xaas iyo shan carruur ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor