Sarkaal ka tirsan UNPOS oo shaqadiisa ku waayey Xog uu ku sheegay inay Dowladda Somalia iibsanayso Gantaalladda SA 7

QM ayaa la sheegay inaysan Qandaaraaska u cusbooneysiinin Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Daxid Bax, kaasi oo bilowgii sannadkan sheegay inay Dowladda Federalka Somalia soo iibsanayso Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee SA 7.

Sarkaalkaasi oo ka tirsanaa Xafiiska QM ee Adeegyadda Mashaariicda  (The UN Office of Project Services) ee UNPOS ayaa la sheegay inuu haatan xilkaasi waayey, kadib, markii laga diiday in loo cusbooneysiiyo Qandaraaska Shaqo ee uu kula jiray QM.

Wargeyska caanka ee Inner CityPress ee ka soo baaxa Maraykanka oo horey Warkaasi uga soo xigtay Sarkaalkaasi, waxa uu bishan August 7-dii qoraay xog ku aadan  in David Bax shaqadiisa ku waayey, kadib, markii uu shaaciyey War uusan Fasax uga haysanin QM oo ku aadanaa inay Dowladda Somaalia iibsanayso Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee Casriga  SA 7.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric waxa uu ka gaaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo in David Bax lagala noqday Qandaraaskii uu QM kula shaqeynayey.

Wargeyska  waxa uu Afhayeenka QM sii weydiiyey in baaritaano ay sameeyeen Xafiiska QM ee Adeegyadda Mashaariicda  (The UN Office of Project Services) ee UNPOS sababtay in David Bax la cayriyo, balse Afhayeenka QM waa uu ka gaabsaday arrintaasi.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan QM ayaa u sheegay Wargeyska Inner City Press in David Bax shaqada looga saray, kadib, markii uu dhamaaday Qandaraaskiisa.

Saraakiil kale oo ka tirsan QM ayaa u sheegay Wargeyskaasi in David Bax lagu helay isticmaalka awood Maamul, Anshax-xumo Galmood iyo isagoo fasax la’aan uga hadlay  Hubka la sheegey inay Dowladda Somalia soo iibsanayso.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo uu Wargeysku bishii June 8-dii wax ka weydiiyey arrintaasi, ayaa ka akhriyey warqad yar oo uu watay inay Eedeymahaasi baaritaan ku hayaan, isla markaana uu haaatan ka hadli Karin.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor