Sarkaal ka tirsan Milliteriga Dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay inay saakayto Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Dowladda ku dileen Degmadda Dharkenley ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay kooxaha hubeysan toogteen Sarkaalkaasi, xilli uu ku sii jeeday shaqada.

Sarkaalka la dilay ayaa la oran jirey Canshuur Caraaye Subeyr.

Qaar ka tirsan Ehelkiisa iyo dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey dilka Marxuumkaasi oo ay dableydu dileen Salaadii Subax kadib, isagoo u sii kalahayey shaqadiisa.

Ma jirto dad loo soo qabtay dilkaasi, waxaana la sheegay inay baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Dhinaca kale, Maamulka Degmadda Dharkenley waxay sheegeen inay ku raad joogaan kooxihii geystay dilkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor