Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Kenya oo lagu qabtay isagoo Lacago baad ka qaadanayo Soomaalida ku nool Xaafadda Islii ee Nairobi.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa shalay lagu qabtay Xaafadda Islii, kadib, markii lagu helay inay lacago baad ah ka qaadayeen Soomaalida aan Sharciga lahayn ee ku nool Islii.

Qabashadooda ayaa timid, kadib, markii ay qaar ka mid ah Dadka Deegaanka sheegeen inay Saraakiishaasi qabteen 54 qof oo lagu soo oogay inaysan wax Dukumenti Aqoonsi ah haysanin.

Mid ka mid ah Saraakiisha la qabtay ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Aqalka Madaxtooyadda Kenya, iyadoo Sarkaalka kale ka tirsan yahay DFugsiga Tababarka Ciiddanka Boliska ee GSU.

Ma aha marki ugu horreysay oo la qabto Askar lacago ka qaadanaya Soomaalida Ganacsatada iyo kuwa Qaxootiga ee ku nool Xaafadda Islii ee Nairobi.

La-yaabna ma laha inay Boliska Kenya dadka ka qaataan Lacago Laaluush ah, waxaana had iyo jeer dhegahaaga ku soo dhacayo Hadalka Askarta Kenya ee ah Keen Lacag ama Aqoonsiga Kabaandhaha Letta Bessa ama Letta Kabandha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor