Sarkaal ka tirsan Maamulka Westiland oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal Culus uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamo ka tirsan kuwa la magacbaxay Westiland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha deegaanka Far-libaax ee maamulka Westiland ayaa Raadiyaha Dalsan waxa uu u sheegay in dagaalka uu yimid akdib markii Gawaaridooda oo ku socdaalyay inta u dhaxeysa Baladweyn iyo Far-libax ay wadada u galeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in halkasi uu ka dhacay mudo saacad ku dhow dagaal laabda dhinac ah,islamarkaana dagaalkaas uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan ciidamada Westiland.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin dagaalkaas duleedka Baladweyne ku dhexmaray iyaga iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Westiland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media