Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish oo isa soo dhiibay

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ee Aaga gobolka Bari ayaa waxa ay sheegeen in Sarkaal ka tirsan Ciidamada kooxda Daacish uu isku soo dhiibay Ciidamada Maamulka Puntland.

Axmed Maxamuud Yuusuf oo ah taliyaha Ururka Koowaad qeybta Gobolka Bari ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka ka tirsan Daacsih ee kisku soo dhiibay ciidamadooda lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Siciid deegaan ahaana uu ka yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in Ninkaan uu u adkeysan waayay dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Kooxda Daasih islamarkaana uu garowsaday in uu isku soo dhiibo ciidamada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa waxaa dhawan sidaan oo kale isku soo dhoobay rag ka tirsanaa Daacish kadib markii ay cafis u fidiyeen.