Sarkaal ka tirsan Daacish iyo ilaaladiisa oo lagu dilay Gobolka Bari

Habeen ka hor duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari waxaa k dhcday duqeyn lala beegsaday fariisin kooxda Daacishta Soomaaliya ku laheyd deegaankaasi.

Duqeyntaas oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ka soo baxaya faah faahin sheegeysa in lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Barta twetter-ka ku qoray in Duqeyntaas lagu dilay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Cabdi Casiis Guure ahaa madaxda Saadka ee kooxda Daacish iyo ilaaladiisa.

Weli faah faahin dheeraad ah lagama bixin duqeyntaas,waxaana mareykanka uu todobadyadii la soo dhaafay sameeyay in ka badan 10 duqeyn kaas oo uu la beegsaday fariisimaha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Dhanka kale Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa War uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyay dilka Sarkaalkaas oo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya u qaabilsanaa dhanka Saadka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media