Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Somaaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Somaaliland waxa uu ku toogtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Soomaaliland.
Dhacadaan ayaa ka dhacday Xerada Gantaalaha oo ku taalla Magaalada Hargeysa,kadib markii Askariga uu dhowr Xabadood ku dhuftay Sarkaalka taas oo keentay in uu geeriyoodo.
Weli lama shaacin sababta Askariga uu u toogtay Sarkaalka ka tirsan ciidamada Maamulka Somaaliland welina wax War ah kama soo saarin Saraakiisooda waxaan haatan Magaalada Hargeysa ka jirta hadalheynta dhacdadaan.