Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliland oo lagu dilay M/laas-Caanood

Wararka aan ka heleyno Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegyaan in halkaasi lagu dilay Qasnajigii Magaalada laas-Caanood xili uu ku sugnaa Magaalada Taleex fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Maamulka Somaaliland.

Qasnajiga ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Aadan Cige,waxaana dilay xalay dabley hubaysan kaas oo dilka askarigan lala xiriirinayo arrimo  Aano qabiil ah sida ay Radio Dalsan u sheegeen dadka magaalada Taleex.

Weli Maamulka Soomaaliland kama hadlin dilka Sarkaalkaan,waxa uuna daba joogaa dhaawicii xalay Magaalada burco loogu geestay taliye ku xigeenkii Ciidanka booliiska Magaalada Burco.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media