Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somalia oo la ogaaday inuu dhalay Madaxweynihii Hore Ee Uganda

Maxamed Amiin oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhalay Madaxweynihii Hore Ee Uganda Iddi Amin Dada.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska Bilaha ah Ee Howlgalka AMISOM ayaa tilmaamaya in Maxamed Amiin uu shaaciyay in Hooyadii iyo aabaha isaga dhalay ay ku kulmen iskuna guursaden Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Maxamed ayaa intaas ku daray in isaga iyo Gabar la dhalatay ay ku koren Soomaaliya lkn aysan aqoon u lahyen waqtigii hore aabahooda Sax ah,Hooyadoodna abid ma aysan u sheegin.

41 Sanno jirkan ayaa imminka ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ee Dagaalka kula jira Al Shabab waxa uuna Xiriir dhaw la leeyahay Maxamed Amiin Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku sii daray in Hooyadii oo imminka degan Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay ay si joogto ah u booqato Dalka Sacuudiga halkas oo uu aabihii ku tagay si baxsad ah waxase uu dhintay 2003dii.

Iddi Amin Dada oo Maamuli jiray Dalka Uganda 1970kii ayaa saaxib dhaw la ahaa Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre waxana uu waqtigasi si joogta ah uu u soo booqan jiray Soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor