Sarkaal ka tirsan Boliska Maraykanka oo jirdilay Nin Somali-Maraykan ah oo aan dacwad lagu soo oogi dooin

Muuqaal la soo dhigay Twitterka ayaa muujinayo Sarkaalkaasi oo Dareewal Soomaali ah surka ka qabtay, kadibna cadaadiyey, si uu gaarigiisa uga kaxeeyo goob gaadiidka la dhigtay oo ku taalla Degmadda Richfield ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

police 2Dhacdadan ayaa dhacday bishii October 3-dii, kadib, markii Sarkaalkaasi uu madaxa ka garaacay Ninka Soomaaliga oo lagu magacaabo Kamaal Geelle oo 19-jir ah.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha ee Hennepin, ayaa sheegay inay dib u eegeen baaritaanka kiiskaasi, waxayse ka gaabsadeen inay Sarkaalka ku soo oogaan dacwad.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Xuquuda Aadanaha Soomaalida ku nool Maraykanka, Omar Jamal ayaa sheegay in ay Dhibanaha iyo Waalidkiisa isbuucan la kulmeen Saraakiil ka tirsan Qeybta Boliska ee Degmadda Richfield, isla markaana qorsheynayaan inay Dacwad ku soo oogaan Qeybta Boliska ee Degmadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Jaalliyadda iyo Qoyska Kamaal Geelle ku faraxsanayn qaabka ay wax ku socdaan iyo waxa ka soo bixi kara, laakiinse ay sii wadi doonaan inay Boliska kala hadlaan Kiiskaasi, si ugu yaraan xitaa loo soo gebagebeeyo.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor