Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo dagaalyahanno Alshabaab oo geeriyootay

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay Boliska ku leeyihiin meel u dhow Degmadda Garissa  ee W/bari dalka Kenya.

Iska horimaadkaasi oo xalay dhacay ayaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo Labo dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

Taliyaha Boliska ee Dhadhaab, Raphael Kimilu ayaa sheegay inay Dagaalyahanno Alshabaab ah oo tiradoodu u dhexeysay 10 ilaa 15 qof ay xalay abaarihii 11:00 Fiidnimo soo weerareen Saldhigga Boliska ee Hamey Police Patrol Base oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inuu dhacay dagaal xooggan, kaasi oo sababay geerida Sarkaal ka tirsan Boliska iyo Labo Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

Dhinaca kale, Raphael Kimilu waxa uu tilmaamay inay Dagaalyahanaddii weerarka soo qaaday ka gudbeen xuduudka Somalia, isla markaana ay Boliska soo qaadeen maydadka Labada Dagaalyahan ee lagu dilay iska horimaadkaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab weeraraan Deegaanka Haamaay, waxayna weerar ay soo qaadeen bishii May ee sannadkii hore halkaasi ku dileen Labo Macallim iyo dhowr Sarkaal oo ka tirsanaa Boliska Saldhigaasi.

Sidoo kale, waxay Alshabaab horey u weerareen Tuulladda Abdi Sugow oo 5 KM u jirta Deegaanka Damajaleey, oo lagu dilay Saraakiil Bolis.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor