Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo la sheegay in lagu dilay duqeyn ka dhacday duleedka Kurtun-waareey.

Diyaarad Drones oo la sheegay inay joog hoose ku duulaysay ayaa waxay xalay duqeyn ka geysatay Deegaanka Shanta Ameerika ee duleedka Degmadda Kurtun-waareey ee Gobalka Sh/hoose.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegayo in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, waxayna dadka Deegaanka xaqiijiyeen inay xalay maqleen dhowr qarax oo ruxay guryahooda.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinayo in Saraakiil ka tirsan Alshabaab lagu dilay duqeymahaasi, inkastoo ay warar sheegayaan in dadka lagu dilay duqeymahaasi uu ku jiro Sarkaal magaciisa lagu sheegay Abu Cutayba, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Taliyaha Jabhadaynta ee Alshabaab

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka weli kama hadlin duqeynta xalay ka dhacday duleedka Degmadda Kurtun-waareey ee Gobalka Sh/hoose.

Bilowgii bishan, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegeen in duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Alshabaab, oo ay magaciisa ku soo koobeen C/raxmaan Sandheere.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor