Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha dhexe

Fariisimo Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxana weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiint Maamulka degmada Mahadaay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaliya oo garab ka helaya ciidamada caawiya Soomaaliya ee Mareykanka.

Weerarkaas oo ku bilaawday duqeyn ayaa waxa ay maamulku sheegeen in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarkas,kuwaas oo ay u qaadeen deegaanka fiidoow,oo ah inta u dhaxeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhankooda Barta Internet-ka waxa ay ku soo qoreen in ay iska difaaceen weerar kaga yimid xulufada dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso islamarkaana ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamadii soo weeraray

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media