Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in uu iskusoo dhiibay Sarkaal Sare oo ka tirsan dagaalamaayasha kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay sheeegeen in Sarkaalkaan uu wato hub in kastoo aysan shaacin magaciisa iyo waliba tirada hubka uu wato inta uu la egyahay,waxa ayna sheegeen in iminka uu gacantooda ku jira siina gudbin doonaan.

Sababta ka dambeeysa arintaan ayaa waxa ay sheegeen in uu la soo xariiray masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada oo ay Ehelo ahaayeen taas oo keentay in Gacmo furan lagu soo dhaweeyo.

Shalay ayay aheyd markii Wasaarada Amniga Soomaaliya ay sheecisay in ay Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media