Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shaacisay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab kaas oo ka howlgalayay Gobolka Galgaduud.

Warkaan dowladda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan Sarkaalkaan Magaciisa lagu sheegay Sakariye Ibraahim Cabdulaahi oo 19 jir ah,al-Shabaabna u qaabilsanaa Madaxa caafimaadka Gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya faah faahin intaasi siidheer kama bixin Sarkaalka ay sheegtay in uu isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media