Sarkaal ka soo goostay Alshabaab oo lagu dilay Baardheere.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay xalay Bartamaha magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Alshabaab oo la oran jirey Xariye Cali.

Maamulka Degmadda Baardheere ayaa xaqiijiyey inay baxsadeen kooxihii geystay dilkaasi.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in labo nin oo  ku hubeysan bistoolad ay Marxuumka ku dileen Maqaaxi ku taalla Bartamaha Baardheere, isla markiina ay ka baxsadeen goobta.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Sarkaal ka soo goostay Alshabaab biushii July ee sannadkii hore, wuxuuna haatan ka mid ahaa Ciiddanka Dowladda ee ka hawlgala Baardheere.

Ma aha markii ugu horreysay oo Sarkaal ka soo goostay Xarakadda Alshabaab lagu dilo Gobalka Gedo iyo guud ahaan Goballadda Koonfurta Somalia.

©Radio Dalsan