Sarkaal isku magacaabay Taliyaha Boliska Somalia oo la dhigay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Labo Sarkaal oo magacyadooda lagu kala sheegay G/sare Maxamed Jimcaale Cosoble iyo Sarkaal magaciisa lagu soo koobay G/sare Yuusuf ayaa loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa waxay Radio Dalsan u sheegeen in Saraakiishaasi lagu eedeeyey inay khalkhal gelinayeen Ammaanka Guud  ee Qaranka iyo magacaabista Xil Been Abuur ah.

Wararku waxay sheegayaan in G/sare Maxamed Jimcaale Cosoble si been abuur ah u sheegtay inuu yahay Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, halka Sarkaalka kale ee magaciisa lagu soo koobay G/sare Yuusuf lagu soo oogay inuu taageero ka geystay samaynta Qoraalka Magacaabista Xilka been abuurka.

Xarigooda ayaa yimid dhowr maalmod kadib, markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho qoreen in la filayo in Xilka laga qaaday Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, laguna beddelay G/Sare Maxamed Jimcaale Cosoble.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Federalka Soomaaliya  iyo Taliska Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed ayaa amray in Baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo Wareegtadda Been Abuurka ee Xilka Taliyaha Boliska Soomaaliyeed.

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor