Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho in ay ku dileen Taliyihii Ciidamada deegaankaas,kaas oo ay Magaciisa ku sheegeen Mustaf Beer Dilaacshe.

Warar ay ku qoreen Bogga Internet-ka oo ay Wararka ku rfaafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in weerar ay ka fuliyeen Xaafad ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dileen taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida deegaankaas.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in lal dilay mid ka mid ah ilaaladiisa,isla markaana ay kaxeysteen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Sarkaalka la dilay,sidoo kale uu mar soo noqday taliyayaasha Ciidamada Degmooyinka Yaaqshiid iyo iyo Kaaraan ee Magalada Muqdisho.

Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ay sheegeen in ay Al-Shabaab ku dileen taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media