Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Caawa Lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa ahaa Taliyihii Xerada Ciidanka Inji Ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Maamulka Puntland.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in taliyaha la dilay xili uu gurigiisa sii galayay kadib markii uu ka yimid goobtiisii Shaqo,waxana la sheegay in kooxihii dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen .
Dilka Taliyaha ka dib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Amniga Gobolka Mudug kuwaas oo hawlgalo ka sameeyay agagaarka meeshii dilku uu ka dhacay mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay.