Saraakiisha Koonfurta Afrika oo ilaalo ku haya goobihii Ganacsatadda Soomaalida ku lahaayeen Deegaanka Dunoon.

Saraakiisha Xoojinta Ammaanka ee dalka Koonfurta ayaa weli ku sugan Deegaanka Dunoon ee ka tirsan magaalladda Keeb Tawn, halkaasi oo Ganacsato badan oo Somali ah lagu khasbay inay naftooda la baxsadaan, kadib, markii la boobay hantida u tiillay goobahooda Ganacsiga.

Qaar ka mid ah dadka Deegaanka ee Dunoon waxay habeen hore ilaa shalay wadeen Dibadbaxyo iyo Boob ay u geysteen goobaha ganacsiga ee ay Shisheeyaha Afrikaanka ku leeyihiin Deegaankaasi.

Dibadbaxayaal wax bililiqeysanayey waxay saxmad ka dhigeen Waddooyinka, iyadoo Dugsiyadda la xiray inta ay dibadbaxayaasha ka socdeen Waddooyinka.

Amina Omar oo ah Ganacsato 4 carruur leh ayaa sheegtay inaysan nabad ku haysanin Koonfur Afrika, isla markaana ay khatar ku jirto Noloshooda.

Amina Omar oo dalka Koonfurta Afrika ku noolayd muddo dheer waxay sheegtay inay dadka deriska ah boobeen hantideeda, balse ay iyada iyo carruurteeda ka soo carareen goobtooda Ganacsiga.

Waxay kaloo tilmaamtay inay dhacdooyinka boobka la kulantay sannadkii 2008-dii, xilligaasi oo ay Koonfur Afrika ka dhaceen weeraro Isir-nacayb ahaa.

Sucdi Cumar oo iyadana Ganacsato ah ayaa la boobay dhamaan wixii u yaalla Dukaan ay ku lahayd Deegaanka Dunoon, waxayna sheegtay in Dukaankooda la boobay xilli habeen ah, balse ay subaaxnimadii tegtay si ay u soo eegtointa uu la eg yahay  khasaaraha loo geystay.

“Dibadbaxayaasha waxay rabaan inay Dowladda aragto, waxay dadkani samaynayaan. Waxay ku leeyihiin Waxaad haysataan Lacagm Dukaan, Annagana waxba ma haysano” ayey tiri Sucdi Omar oo iyada  iyo Qoyskeeda yimaadeen KoonfurAfrika sannadkii 2005-tii oo ay Dukaan ka asaasteen Deegaanka Dunoon

Dhinaca kale, Madaxa Maamulka ee Deegaanka Dunoon, Lubabalo Makeleni ayaa sheegay inuu boobkaasi bilowday, kadib, markii ay dadka Deegaanka ka caroodeen Dowladda Hoose oo aan ka jawaabin codsi ay ku doonayeen in lagu siiyo dhul ay deggaan.

Waxa uu sheegay inay Maamulka Deegaanka Dunoon ka xun yihiin boobka loo geystay Ganacsatadda Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida, wuxuuna xusay inuu Dibadbaxu u dhacay qaab qaldan

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Burcad Koonfur Afrikaan ay boobaan goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaalida ku leeyihiin duleedka magaalladda Cape Town.

looting

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor