Saraakiisha Ciidamada Danab oo sheegay in ay dileen Maxaabiis Al-Shabaab ah

Saraakiisha Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ee Danab,  ayaa waxa ay sheegeen in ay guulo ka gaaray Dagaal ay la galeen Al-Shabaab kaas oo  ka dhacay dagaalka deegaan u dhow Alifow oo hoos yimaada degmadda Afgooye ee Gobolka shabeellaha hoose.

Alshabaab  ayaa wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada kumaandooska soomaaliya oo xilligaasi  galbinayay Maxaabiis ka tirsan Shabaab oo ku wajahnaa Magaaladda Muqdisho.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Danab,  ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in dagaalka lagu dilay Maleeshiyaad hubeysan, Horjoogayaal iyo labadii Maxabuus ee Hore Gacanta ugu hayeen Ciidamada,  ka dib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan.

Saraakiisha, ayaa sidoo kale inoo sheegay in Labada maxabuus ee ciidamada ay dileen,  mid kamid ah uu ahaa Madaxa  qaraxyada Gobolka Shabeellaha hoose,  halka Horjoogaha labaad uu ahaa La-taliyaha Horjoogaha Alshabaab ee shabellaha hoose.

Waxay Saraakiishaasi la hadlay Wakaaladda SONNA ay  beeniyeen in Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ay la wareegeen Gadiid Dagaal oo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin, arrintaas ayey ku tilmaameyn inay tahay been abuur looga dan leeyahay in Nabad diidka ay dadka uga jeedinayaan Qasaaraha weyn  ee dagaalkaasi kasoo gaaray.