Saraakiisha Ammanka Uganda oo Ku Baaqay in Dadka Aysan Ka Walwalin Al Shabab

Taliyaha Guud ee Boliska Uganda, Jeneral Kaale Kayihura ayaa baaqaasi jeediyey, kadib, markii ay soo baxeen warar sheegayo inay weeraro ku soo fool leeyihiin Kampala.

“Ha cabsanina, bannaanka u baxa, yaan la argagixin” ayuu yiri Jeneralka oo intassi ku daray inay Argagixisadda mar kasta ku hanjabaan weeraro.

Waxa kale oo uu xusay inay hoos u dhigeen digniintii Arbacaddii hore lagu sheegay inay Kampala ka dhici doonaan weeraro.

Safaaradaha Maraykanka iyo Britian ku leeyihiin Caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa horey uga digay weerar cusub oo lala beegsado Danaha Reer Galbeedka ee Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor