Saraakiil Reer Galbeed oo ka qeyb galayo Baadi-goobka Rakaabkii iyo Diyaaraddii ay gacanta ku dhigeen Alshabaab.

Hawlgalkii baadi-goobka ayaa weli socda, si loo helo dadkii iyo diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka Degmadda Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo Khubaro Milliteri oo Reer Galbeed ayaana ku guda-jira baaritaankaasi, inkastoo aysan weli helin diyaaraddii.

Afhayeenka Gobalka Sh/hoose, Mohamed Hussien Shiine ayaa sheegay inay Alshabaab diyaaradda ku qariyeen dhulka hawdka, si aan loo arkin halka ay Diyaaradda ku dhacday.

Diyaaradda oo ay la socdeen 12-qof ayaa waxay qalab u waday Hawlgalka AMISOM, iyadoo wararka kalena sheegayaan inay diyaaraddu saarnaayeen xaddi badan oo Lacagta Dollarka ah.

Diyaaradda oo ka  ka diiwaan-gashan dalka Kenya ayaan wax xiriir ah la sameynin Waaxda Duulista Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Caddae, sida ay sheegeen Saraakiisha Garoonka.

Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inay ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-KM dhanka W/galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Garoonka Balli-doogle waxaa la sheegay in ay Saraakiisha Maraykanka u adeegsadaan Hawlgalladda Duqeymaha ee ay Droneska ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor