Saraakiil ka tirsan Nabad Sugida oo shaqada looga joojiyay jirdil loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Afhayeenka wasaarada Amniga Soomaaliya Cabdikamil Macalin Shukri ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiil ka tirsan Hey’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya shaqada looga joojiyay jirdil loo geystay muwaadin Soomaaliyeed oo muqaal laga duubay la soo dhigay baraha bulshada.

Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegeysa in dowlada Soomaaliya ay guddi u saartay iney arintan soo baaran.

Cabdikamil macalin Shukri waxa uu sheegay in natiijada ka soo baxda baaritankan in dowlada ay la wadaagi doonto shacabka Soomaaliyeed sida SONNA ay warineyso.

Waa muuqaalkii ugu horeeyay ee la soo geliyo baraha bulshada ee muujiyay jirdil ay saraakiisha dambi baarista u geysten muwaadin u xirnaa dowlada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor