Saraakiil ka tirsan Milliteriga Somalia iyo kuwa Bariga Afrika oo Tababar loogu soo gebagebeeyey Uganda

Saraakiil Milliteri oo ka kala socday 9 Waddan oo ku yaalla Bariga Afrika ayaa waxaa tababar loogu soo gebagebeeyey Kulliyadda Ciiddanka Qadaafi oo ku taalla Degmadda Jinja ee dalka Uganda.

Saraakiishaasi oo tiradoodu dhan tahay 40 Sarkaal ayaa waxay ka kala socdeen dalalka Somalia, Kenya, Uganda, Ethiopia, Seychelles, South Sudan, Brundi iyo Jesaar’irka Comoros.

Madaxa Guud ee Tababarkaasi, Kolonel James Kinalwa ayaa sheegay in Tababarkaasi looga dan lahaa sidii loo dhisi lahaa Taliska Mideysan ee Ciiddanka Heeganka ee Bariga Afrika iyo Waajibaadka Ciiddanka Isku-dhafka ee joogi doon Xaruunta Dhexe ee Saraakiisha Fulinta.

Xigasho: New Vision

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor