Saraakiil ka tirsan Boliska Nigeria oo ku soo biiray Hawlgalka Boliska AMISOM

19 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Nigeria ayaa soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo muddo 12 bilood ah la shaqeyn doona Boliska la shaqeeya Hawlgalka AMISOM.

Saraakiishaasi ayaa la sheegay inay yihiin Khubaro ku takhasustay Hawlaha caadiga ee Boliska, waxayna kaalin k qaadan doonaan xoojinta shaqada ee Boliska Taliska AMISOM.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyoota ayaa la kulantay Saraakiisha ka socotay Boliska Nigeria, waxayna ku boorisay inay  Khibaradooda uga faa’ideeyaan Boliska Somalia si loo soo celiyo  sharciga iyo ammaanka Somalia.

Taliye-xigeenka Boliska AMISOM, Kiristine Alalo ayaa isagana sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha Saraakiishaasi, si ay u xoojiyaan Awoodda Boliska AMISOM.

Madaxa Saraakiisha Boliska ka socda Nigeria, Ojali Edino Justice ayaa sheegay inay Aqoontooda iyo Khibradooda la yimaadeen Somalia, si ay ugu faa’ideeyaan Boliska Somalia, si ay u noqdaan kuwo leh Aqoon Caalami ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor