Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya oo lagu dilay qarax ka dhacay Degmadda Libooya

5 ka tirsan Boliska Khaaska ee GSU ee dalka Kenya ayaa la dilay, 3 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Gaarigii ay la socdeen ay  saakayto miino kula kacday Deegaankaasi.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu saakayto 9-kii aroornimo ka dhacy Deegaanka Harare e ka tirsan Degmadda Libooya oo dhowr KM u jira Xuduudka Somalia.

Askartaasi ayaa la sheegay inay ku jireen Hawlgal Ilaalo ah, iyadoo ay dadka Deegaanka maalmahaan ka cabanayeen Qafaal ay Askarta Kenya u geystaan dadka Deegaanka.

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Dhadhaab, Haruun Kamau ayaa sheegay inay3 ka mid ah Askartii ku dhaawacantay Qaraxaasi xaalladooda aad u liitay, isla markaana loo duulliyey magaalladda Nairobi.

Waxa kaloo uu sheegay in ay Ciiddamo xoojin ah u direen goobta uu qaraxu kaa dhacay, wuxuuna sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen Qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media